Qadar oo Sheegtey Isgurubeysiga Isbaheysiga Sacuudiga uusan Bedeli Doonin Siyaasada Dalka Qadar

0
203

Wasiirka arimaha dibadda dalka Qadar ayaa sheegay in aysan weligood ka arag cadaawad lamid ah tan ay dalalka carbeed ku sameeyeen xitaa dal ay cadaw yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Qadar aysan isu dhiibi doonin cadaadiska ay saareen dalalka carbeed ee ay deriska yihiin, islamarkaana aysan badali doonin siysaasaddeeda madaxa bannaan ee arimaha dibadda si ay ugu xaliso doodada jira.

Sheekh Maxamuud Bin C/raxmaan Al-Taani ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dooxa maalintii Khamiista, maalmo kadib markii dalalka Baxrayn, Sacuudiga, Masar, isu tagga imaaraadka carabta iyo dalal kale oo carbeed ay xiriirka u jareen Qadar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in amiirka dowladda Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamaad Al-Taani uusan ka tagi doonin dalka oo ay go’doomiyeen dalal carbeed, islamarkaana ka qeybgali doonin kulan dhexdhexaadin ah oo uu wado madaxweeynaha dalka Mareeykanka Donald Trump oo ka dhici doona Aqalka cad.