Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacday Is rasaaseyn u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan Koonfur Galbeed taasoo keentey dhimasho 9 ruux ah iyo dhaawac kor u dhaafey 12 ruux.
Israsaaseyntan ayaa si gaar ah uga dhacday goob raashiin lagu qeybinayay oo ku taalla wadada Sodonka ee magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Dadka Degaanka ayaa warbaahinta u sheegay is rasaaseyntan in ay timid kadib markii uu muran soo kala dhex galay Ciidamo halkaasi ku wada sugnaa, kadib ay xabad isku bilaabeen.
Waxaa kaloo dadka degaanka ay ay sheegeen in Ciidamada ay isku adeegsadeen Qoriga Dhashiikaha, dadkii halkaasi ku sugnaana ay soo wajahday cabsi mudo kooban.
