Golaha wasiirada India oo uu shir guddoominayay Ra’iisulwasaare Narendra Modi ayaa ansixiyey sharci ogolaanaya in maxaabiista Soomaalida ee xabsiyada dalkaasi ku jira loo wareejin karo dalkooda.
Arrintaasi ayaa waxa ay ka dambeysey heshiis labada dal ay galeen oo dhigaya in sidoo kale India loogu wareejinayo wixii maxaabiis ah ee dalkaasi u dhashay oo Soomaaliya ku xiran.
Dalka India waxaa hada Xabsiyada ku yaalla ku jira Dhalinyaro Soomaaliya oo Maxkamada India ay Xukuntay iyadoo ku eedeeysay in ay ka tirsan yihiin Burcad Baddeeda Soomaalida.
Hadii ay talaabadan hirgasho ayaa waxaa laga sugayaa Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) balan qaadkii uu sameeyay xiligii Xafladii Caleema-Saarkiisa kaas oo ahaa in uu bixin doono kirada Diyaaradii lagu soo qaadi lahaa dhalinyarada ku xir xiran dalkaasi India.
