Kooxo Ka Tirsan Alshabab oo Weerar Ku Qaadey Saldhig ay Ciidamada Puntland Ku Lahaayeen Buuraha Galgala

0
140

Kooxo loo malaynayo in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Gal-gala oo sanado ka hor laga saaray xooga-ga Al-shabaab.

Dagaalkan oo aan khasaarihiisa si rasmi ah loo ogaan karin ayaa la sheegay in uu hadda si goos goos ah uga socdo deegaanka ,waxaana goobta uu ka dhacay lagu magacaabaa Af urur waana deegaan kayn ah oo ay timirtu ka badan-tahay.

Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland Gen. Siciid dheere iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayo ayaa la sheegay in ay gaareen goobta si ciidamo dheeraad ah loogu kordhiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in 50 meeyo qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay dagaalkan ku geeriyoodeen ,kaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah ,xiligii saxuurta kadib sida ay sheegayaan xogo hoose oo laga helay goobta dagaalka.