Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa saddex qarax lagula eegtay degaanka Taraako oo qiyaastii 50km u jira magaalladda Bardheere ee Gobolka Gedo, sida dadka degaanka ay sheegeen.
Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in ay biyo ka dhaansanayeen War-biyood ku taalla degaanka.
Sidoo kale ilo wareedyadda ayaa ku waramaya in mid kamid ah gawaaridda ciidanka Kenya uu soo gaaray bur-bur, halka dhaawacyana ay soo gaareen askarta qaar.
Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, iyagoona sheegtay in ay dileen qaar kamid ah askarta ciidamka Kenya ee qeybta ka ah Midowga Africa.
