Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways tan iyo markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.
Isniintii lasoo dhaafay, dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carrabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar ay sheegtay.
Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.
Wakaalladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.
Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa diplomaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada.
