Maamulka koonfur galbeed ee uu hormuudka ka yahay Shariif Xasan ayaa dayacay dadkii uu sheegayey in uumadaxweyne u yahay, Barakacayaal kasoo barakacay deegaanada koonfur galbed ayaa waxaa ay ku dhibaateysan yihiin xerooyin ku yaala duleedka magalada muqdisho halka loo yaqaan km13.
Telfishinka universal oo xeradaasi booqdey ayaa waxaa uu soo bandhigey wixii uu halkaasi kusoo arkey taasoo ah wax lala argagaxo ah, 48 saac gudahood ayaa la sheegey in xeradaasi ay ku dhinteen caruur tiradoodu kor u dhaaftey 40 tameeyo ayadoo caruurtaasi ay intooda badan ay u dhinteen nafaqo daro iyo cudurka jadeecada.
Qaar ka mid ah waalidiintii dhalay caruurtii halkaasi ku geeryootey oo la hadley telfishinka ayaa sheegey in loo diidey in caruurta dhimatey in ay halkaasi ku aasaan ayadoo xujo looga dhigey in qabrigiiba laga siiyo 100 dollar hadii kale aysan halkaasi ku aasi karin.
Waxaa ayaandaro in in maamulka Shariif Xasan iyo weliba xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed aysan arintan weligood ka hadlin taasoo dadka ay ku micneyn karaan in umadaas meesha ku dhibaateysan aysan jirin cid u maqan.

wale waa wax laga xumaado in shacab masakin ah sidan loola dhaqmo ,ayago nool iska daye ayagoo dhintey ba baad laga qaadayaa.. cidii raxaweyn dhibaatadu wey ku ragte ilaahow samata bixi oo ka badbaadi hagardaamada ay xaasidiintu u maleegayaan..wbtfq
Comments are closed.