Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali “ Najax “ ayaa sheegay in ay socdaan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan gobolka Sh/Hoose.
Waxa uu sheegay in hada ay doonayaan in Al-Shabaab ay si gaar ah kaga xureeyaan inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Baraawe.
Waxa uu sheegay in hada degmooyinka qaar ay ka socdan howlgalo isla markaana ay rajeynayaan in Al-Shabaab dhawaan laga saaro degmooyinkaasi.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Gobolka Sh/Hoose ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada si Al-Shabaab loogu saaro gobolka oo dhan gaar ahaan meelaha ay ku xoogan yihiin.
Hadaladiisana waxaa ka mid ahaa.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
