Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar ay sheegtay.
Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.
Wakaalladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga gol leeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.
Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa diplomaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada.
Xiisada cusub ee kasoo cusbonaatay gobolka ayaa la sheegayaa in ay saameyn xooggan ku yeelan doonto dhaqaallaha dhamaan wadamadda Khaliijka.
