Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Maanta Bilowdey Iney Dhegeysato Dacwadii Ragii Diley Marxuun Cabaas Siraaji

0
184

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay dhegeysiga dacwada loo heysto laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen dilka wasiirkii howlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabas Sheekh.

Labada nin ee dacwadooda la dhegeysanayo ayaa ahaa ilaaladii Hanti Dhawrahii Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa u geeryooday xabad gaarigiisa lagu furay darted, isagoo maraya meel u dhow xaruunta madaxtooyadda Soomaaliya, 3-dii bishii May.

Maxkamada ayaa looga fadhiyaa in ragii dembigaasi geystey cadaalada mariso ruux walboo ku lug lahaana sharciga la hor keeno si dalka loo helo cadaalad iyo kala dambeyn una yaraato xabada sida gardarada loogu ridaayo dadka aan waba galabsan.