Qaar ka mid ah wadoonya mara degmooyinka gobolka banaadir sida Shibis, Boondheere Cabdi Casiis iyo qayb ka mid ah Xamar weyne ayaa maanta xiran ayadoo dadka halkaasi ay ku lugeynayaan.
Sababta loo xiray Wadooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Banaanbaxa lagu taageeraayo Madaxweyne Farmaajo ee lagu waddo Saacaddaha soo socda in uu ka bilowdo Muqdisho.
Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Banaadir Studium ee degmada Cabdicasiis.
