Madaxda Urur Goboleedka Igad oo La Isugu Yeerey Iney Ka Shiraan Xaalada Koonfurta Suudaan

0
198

Madaxda Urur goboleedka ayaa kulan deg deg ah ku yeelanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya 12-ka Bishaan sida uu shaaciyay Madaxa Urur Goboleedka IGAD Hailemariam Desalegn ahna Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay Madaxda Urur goboleedka IGAD in ay kusoo xaadiraan Magaalada Addis Ababa si looga hadlo xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay xaalada bani’aadanimo ee xilligaan ka jira Suudaanta Koofureed in ay tahay mid daran oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa dhowr jeer ka shiray Xaaladda Cakiran ee Suudaanta Koonfureed.