Diyaarad Sidey Mucaawino oo Maanta Ku Dhacdey Degmada Garbahaarey

0
242

Diyaarad ay soo kireysatey hey’ada WFP oo sidey gargaar bini’aadanimo oo loogu talo galay xarumo lagu daryeelo carruurta ay nafaqa darrada heyso ee degmada Garbahaareey ayaa saaka ku dhacday garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarshe oo qadka teleefonka ugu waramay warbaahinta ayaa sheegay in diyaaraddu uu burbur xooggan kasoo gaaray qeybo ka mid ah.

Waxa uu xusay in diyaaraddu ay saarnaayeen laba qof oo uu ku jiro Pilotkii diyaaradda waday, isagoo xusay in labaduba ay bad qabaan, wuxuuna intaa ku daray in marka ay wareysteen ay u sheegeen in ay soo wajahday caqabad dhanka cimilada ah.