Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubadda Hoose.
Dagaal bilowday abaarihii xilliga Afurka ee shalay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay saldhiga Kulbiyow ka weerareen dhanka Koofur, waxaana dagaalkaas qeyb ka ahaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ahaa.
Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka lagu jabiyay xoogagga Al-shabaab ee soo weeraray xerada, hasse ahaatee wax yar kaddib mar kale xoogagga Al-shabaab weerar kale ka soo qaadeen dhinaca Bari, kaasoo ahaa mid aad u xoogan.
Weerarkaas kaddib ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay qaraxyo ismiidaamin ah oo ay u adeegsadeen illaa saddex gaari ku qaadeen saldhiga Kulbiyow, waxaana qaraxyadaas la sheegay inay khasaare dhaliyeen.
Wararka ka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in is gaarsiintu go’an tahay, waxaana ka jirta xaalad hubaal la’aan ah halkaa ka taagan, iyadoo labada dhinac aanay wax war ah ka soo saarin dagaalka Kulbiyow.