Ciidanka Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga oo Soo Badbaadiyey Tahriibayaal Badan

0
65

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay Tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Afrikaan kale.

Maraakiibtan Talyaaniga ah ayaa gurmad ballaaran u fidisay Tahriibayaashan kaddib markii Doontii ay wateen ay ku qaribantay xeebaha Jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.

Tahriibayaal fara badan oo isugu jira Soomaali iyo African kale ayaa hore ugu geeriyooday Badda Madetarienka-ka ee u dhaxeysa Libya iyo Italy.

Inta badan dadka ka imaanaya Afrika ee ka soo gudbaya Badda Madetarienka-ka ayaa waxa ay ka soo baqoolaan dalkaasi Libya, badankoodana waxa ay ka yimaadaan wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe.