Kol dhaweyd ayey aheyd kolkii madaxweynaha dowlada federaalka somaliya uu ku dhawaaqey in la qaado dhamaan sibaarooyinkii yiiley wadada u dhexeysa magalada muqdisho iyo degmada afgooye taasoo isla markiiba ay hir geliyeen ciidamada dowlada.
Warar aynu ka helney caawa magalada afgooye ayaa sheegaya in dib loo soo celiyey isbaaradii tiiley halka lagu magacaabo shanta golaha sare isbaaradan oo ay soo dhigteen maleeshiyaad ku labisan dareyska ciidanka dowlada isla markaana ka amar qaada horjooge Nuur Xayir Cali.
Nuur xayir oo ahaan jirey taliye ku xigeenka ciidamada cabdi qeyb diid haatana ah wakiilka horjooge kaniif wuxuu weligiis ahaa nin mar walba dhibaatooyin u geysta shacabka gobolka shabelaha hoose nooc walba ooo ay ahaato.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda marta dariiqaas ayaa waxaa ay inoo sheegeen in 24 saac ee lasoo dhaafey ay isbaaradaasi dhib wey u geysatey shacabka mara jidkaas iyo gaadiidka ka shaqeysta wadadaas, waxaa kaloo ay intaasi ku dareen in halkaasi dadka looga furto wax walba oo qiimo leh sida telfoonada, dahabka, lacagta iyo hablaha oo halkaasi lagu fara xumeeyo.