Reysulwasaaraha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqdey Xarunta Ciidnka Boliska

0
35

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqday xarunta taliska ciidammada booliska Soomaaliya, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha ciidamada.

Booqashada Ra’iisal wasaaraha uu ku tagay xarunta taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed, ayaa waxaa ku wehlinaayay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano baarlamaanka ka mid ah.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliyed Gen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamada booliiska, halkaasi oo Salaan sharaf uu ku siiyay.

Intaasi kadib ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya saraakiisha ciidamada booliska oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada booliska Somaliya.