Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Sheegey In Sacuudiga Lacag Ugu Deeqdey Somaliya

0
175

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.

Madaxweeynaha oo khudbad ka jeedinayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay weydiisatay Sucuudiga lacag badan oo dhan $4 bilyan oo doollar, waxaana uu intaasi ku daray in Sacuudigu aysan ka diidin codsiga ay soo jeediyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta ugu horraysa ee lacagtaasi ay tahay dhismaha garoon diyaaradeed iyo dib u dhiska xarrumaha dawladda.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in garoonka haatan uu leeyahay nalalka waddada garoonka kuwaasi oo diyaaradaha u saamaxaya inay habeenkii soo degi karaan. Hawshan ayaa la hirgeliyey toddobaadkan.