Galmudug iyo Puntland oo Hishiis Cusub Ku Gaarey Magalada Cadaado

0
54

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay heshiis ku gaareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Heshiiskaan oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa qodobadii lagu hishiiyey ka mid ahaa in la saameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay ka go’an tahay in lasoo Afjaro Colaada ka taagan gobolka Mudug.

Hishiiskan ay gaaraan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam0.