Diyaarad Laga Leeyahay Shirkada Bancroft oo Maanta Ku Dhacdey Magalada Muqdisho

0
39

Wararka imanaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft, oo ah shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada ciidamada midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Diyaarada ayaa ku guul dareesatay in ay si caadi ah u soo degto garoonka , waxaa ay mudo daqiiqado ah ku dul heehaabeysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ku soo wargalisay maamulka garoonka in cilad ay jirto.

Garoonka ayaa waxaa lagu diyaariyay gaadiidka dab damiska iyo kooxaha gurmadka si ay ula tacaalaan diyaaradan haddii ay soo dhacdo, waxaana diyaarada mudo kadib lagu amray in ay isku daydo in garoonka ka soo degto.

Dad ku sugan gudaha garoonka ayaa warbaahinta u sheegay diyaarada oo markii danbe la amray in soo degto wax yeello kala kulantay dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana la sheegay in uu burbur ka soo gaaray dhinaca baalasha.

Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, ma jiro wax duulimaad ah oo hada ka jira, diyaaradihii ka dhoofi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa ayaa dhamaan la joojiyay.