Dhibaatooyin Ka Taagan Hub Ka Dhigista Dowlada Amartey

0
58

Warar aynu ka heleyno degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad kooban uu halkaasi ku dhaxmaray ciidammada xasilinta caasimada iyo rag hubeysan oo ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda kuwaa oo ka biyo diiday hub ka dhigis la doonayay in lagu sameeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday qorshe lagu xasilinayo amniga caasimada, waxaana arintaa loo asteeyay in ay ka howlgalaa ciidamo gaar ah kuwaa oo amar buuxa lagu siiyay in ay hubka dhigaan cid kasta oo aan ka tirsaneyn ciidamada gaarka ah sugida amniga caasimada oo hub sidata.

Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in gadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada xasilinta caasimada ku amreen in ay hubka dhigaan rag hubeysan oo mararayay agagaarka Suuqa Weyn ee degmada kuwaa oo la sheegay in ay rasaas ku jawaabeen taasoo qal qal iyo baqdin ku abuurtay dadka rayidka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii danbe ciidamada gacanta ku dhigeen mid ka mid ah hubkii uu sitay ragga dagaallamay, halka mid kalana la sheegay in uu baxsaday.