Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Gaarey Magalada Cadaado

0
41

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd gaaray xarunta magaalada Cadaado, halkaa oo ay ka socto munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sidoo kale, waxaa munaasabada ka qeybgallaya oo jooga wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-hishiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, Koonfur galbeed , guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, wakiilo ka kala socda beesha caalamka iyo martisharaf kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda halkaa ka jeediyo khubad la xiriirta munaasabada iyo guud ahaanba nabada deegaannada gobollada dhexe.

Ammaanka Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo ciidamada AMISOM ee ka kala socota Jabuuti iyo Burundi ee ku sugan Cadaado.