Wadooyinka Muhiimka ah ee Magalada Muqdisho oo Maanta Xiran

0
39
?????

Ciidamada dowladda ayaa Saakay Gawaarida dagaalka ku jaray qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho sida Maka Al-Mukarrama,Wadnaha iyo Jidka 30-ka.

Dadka Shacabka ayaa lugeynaya Maadaama wadooyinkaasi aan loo ogoleyn in ay maraan Gawaarida dadweynaha.

Ujeedka Wadooyinkaasi loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu waddo in uu dhagax dhigo wadada dheer ee Jidka 30-ka.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa inta badan loo xiraa wadooyinka Muqdisho xilliyadda ay doonayaan in ay shaqo qabtaan.