Reysulwasaare Xasan Cai Khayre oo Maanta Muqdisho kula Kulmey Wakiilada Beesha Caalamka

0
31

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Somaliya Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyey horumarka ay dawladu ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka inay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo. Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dawladda Federaalka.