Ciidanka Dowlada Federaalka iyo Amisom oo La Wareegey Gacan Ku Heynta Deegaanka Goofgaduud

0
103

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa dib maanta ula wareegay degaanka Goof-Gaduud oo 30-KM u jira Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lagu soo dhoweeyay degaanka.

Xaaladda degaanka ayaa hadda waxaa laga soo sheegayaa in ay tahay mid degan, balse ciidamada ayaa waxaa ka muuqda feejignaan xooggan.

Deegaanka Goof Gaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.