Wefdi uu Hogaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey oo Gaarey Degamad Doolow

0
32

Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayadoo halaasi ay kusoo dhaweeyeen masuuliiyii ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashii Xasan Cabdi Nuur iyo madax kale oo ka tirsan maamulka degmada Doolow.

Wafdiga ayaa kormeeri doona xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah ee degmadaasi, ayagoo sidoo kale warbixinno ku saabsan xaaladaha bini’aadanimo ee gobolka Gedo ka dhageeysan doona masuuliyiinta Jubaland ee ku sugan degmadaasi.

Wafdiga uu horkacayo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu ku tagay gobolka Gedo ayaa kusoo beegmeeysa xilli ay gobolkaasi ka jiraan xaalado dhanka bini’aadanimada ah.