Dagaalo u Dhexeeya Xarakada Alshabab iyo Ciidanka Deegaanka oo Ka Dhacay Deegaanka Nr50

0
34

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Nr50 ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka ciidamada deegaanka iyo kuwa xarrakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Number 50.

Cabdullaahi Waafoow oo ah guddoomiyaha deegaanka Number 50 ayaa sheegay in dagaalka ay uga dileen alshabaab tiro dagaalyahano ah, ayna gacanta ku hayaan meydadka labo dagaalyahan.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in Al-shabaab ay gubeen deegaano markii hore laga barakacay, sidoo kalana ay laayeen xoolo dad rayid lahaayeen.