Kooxaha La Dagaalanka Burcad Badeeda oo Sheegey Iney Wadaan Howlgalo Looga Hor Tagaayo Burcad Badeeda

0
33

Ciidamada la dagaalanka Burcadbadeeda ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan feejignaan dheeri ah oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Sarkaal Sare oo ka mid ah Ciidamada Shiinaha ee la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ee doonaya in ay maraakiibta Afduubtaan.

Waxaa uu sheegay in 10-kii Maalmood ee lasoo dhaafay aysan dhicin wax weeraro ah ama isku day Weerar oo ay sameeyeen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo ku geysteen Maraakiib ganacsi.