Reysulwasaaraha Dowlada Federaalka oo Sheegey Inuu Soo Dhisi Doono Wasiiro Ka Turjuma Rabitaanka Shacabka

0
182

Ra’iisal wasaaraha dhawaan helay codka kalsoonida baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi siinayay laanta VOA ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka tartumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee soo socta sidoo kale lagu saleyn doono rabitaanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay saameynta baarlamaanka uu ku yeelanayo golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filayo in la magacaabo ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in mar walba ay jiri doonto doonto wada shaqeyn iyo xiriir ka dhaxeynaya xukuumada iyo baarlamaanka.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha nabad-galyada iyo sida ay u wajahayaan ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in muhiimad gaar ah xukuumadiisu siin doonto nabad-galyada guud ahaan dalka, isaga oo sheegay in amniga lagu sugi karo oo kaliya wada shaqeyn dhaxmarta dowladda iyo shacabka.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab in ay isaga soo haraan kuna soo biiraan hanaanka dowladnimo ee dalka.