Bishan Mach 10 sano ayaa u buuxsantay howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya oo soo bilaawday sanadkii 2007 oo Soomaaliya ay soo caga-dhigatay diyaaradii ugu horeysay ee siday cutub ka tirsan ciidamo ka socday dalka Uganda.
Wixii waqtigaa ka danbeeyay waxaa ciidamo ka qeybgala howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ku soo biiriyay dowladdaha Burundi, Itoobiya, Kenya , iyo Jabuuti oo dhamaantood xiligan si wada jir ah uga qeybqaadanaya qorshaha midowga Africa ee xasilinta Soomaaliya.
Ciidamo ka socda dalka Saria Leon oo laftirkooda qeyb ka ahaa qorshaha nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa dib u laabtay kadib markii cudurka Ebola uu ka dilaacay dalkooda iyo dalal kale oo ku yaala galbeedka Africa.
Ciidamada AMISOM oo markii hore qorshahoodu ahaa ilaalinta xarumaha dowladda iyo deegaannada la xoreeyo ayaa markii danbe bilaabay in ay dagaalo toos ah la gallaan Al-shabaab iyaga oo ka dhinac dagaalamaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana mar marka qaar dhacda in ay kaligood dagaal aan lagu wehlin la galaan Al-shabaab.
Inkasoo mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ciidamadan si wada jir loogu guuleystay in Al-shabaab laga saaro deegaano dhowr ah oo bartaha iyo koonfurta Soomaaliya ah, hadana dhinaca kale kama baajin guulahaasi weeraro khasaare ba’an geystay oo uga imanaya dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab.
