Reysulwasaaraha Cusub oo maanta Xilka Kala Wareegey Reysulwasaarihii Hore

0
134

Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ra’iisal wasaaraha xilka ka degay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay ra’iisal wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.