Amison oo Dooneysa Iney Sii Balaariso Qandaraaska Ay Ku Joogta dalka Somaliya Isla Markaana Dalbatey 4000 oo Askari In Lagu Soo Kordhiyo

0
51

Guddiga isku xirka howlgalka militari ee AMISOM ayaa shirkoodii 22 aad ee ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxaa ay ku dalbadeen in 4,000 ciidamaddo dheerad ah lagu soo kordhiyo howlgalka AMISOM.

Kulanka waxaa lagu adkeeyay in QM iyo beesha caalamka ay si deg deg ah u taageeraan ciidamada dheeraadka ah si loo kordhiyo awooddda ciidamadda dib na loola wareego meelihii horay ay Al-shabaab ula waregeen.

Waxaa ay sidoo kale weeydiisteen QM iyo beesha caalamka in ay in ay ka taageeraan dhinaca Saanadda gaar ahaan raashainka iyo daawadda si waqtiga yare e dhiman loo kordhiyo weeradda islamarkaana loo soo gabangabeeyo joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Guddoga isku xirka hoowlgalka AMISOM ka sokoow dalabka deg-degga ah 4000 ee Askari waxaa ay Sidoo kale isku raaceen in guddiga midowga Africa uu isugu yimaado magaladda Addis Ababa ee caasiamadda Itoobiya kualan qorsheeyn ah horaanta bisha soo socta ee Febaraayo si loo soo gaban gabeeyo qorshaha isku xirka balaarinta howlagalka dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamada lagu soo daad gureynayo gudaha dalka somaliya ayaan aheyn ciidamo sidii loogu tala galey wexeyna dalka u joogaan in ay qadaraasyo ka fushadaan isla markaana aysan waxba ka qaban howshii loo idmadey.