Daawo: Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo Sheegey In Nafsadooda Halis Ku Jirto

0
29

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in amnigooda uu halis ku jiro, kadib markii loo adeegsaday ciidamada Nabad Suggida qaybta ka howlgasha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Kulan qado ah oo shalay Xildhibaanada Galmudug ay isugu yimaadeen Magaalada Cadaado, ayaa waxaa carqaladeeyay kulankoodii ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Galmudug, kadib markii ay ugu tageen Hotelkii Xildhibaanada Galmudug ay ku qadeynayeen.

Qaar ka tirsan Xildhibaanadaasi oo Warbaahinta ka hadley ayaa fariin u diray Beesha caalamka oo ay sheegeen inay ka sugayaan talaabo in laga qaado Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkii ay ka qaadeen.