Axmed Xuseen oo Loo Magacaabey Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Jinsiyadaha ee Dalka Canada.

0
41

Isku shaandheyn shaley lagu sameeyey golaha wasiirada dalka canada ayaa Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Reysulwasaaraha dalka canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii, Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Isbedelkan lagu sameeyey golaha wasiirada dalka canada ayaa waxaa ay hordhac u tahay sidii ay ula xaajoon lahaayeen xukuumada cusub ee dhawaan lagu dhaarin doono dalka mareyka oo uu hor kacaayo Trump.