Guusha Ummadda Somaaliyeed iyo Guuldarada Shisheeye Kalkaalka

0
52

Ayadooo maanta baarlamaanka federaalka ee dowlada somaliya uu doortey gudoomiye baarlamaan una doortey doortey gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Doorashada oo aheyd mid guud ahaan umada somaliyeed meel kasta oo ay caalamka uga nooshahay ay u dhega taageysey ayaa maanta gabagabadeedii waxaa lagu soo bandhigey awooda garashada aqoonta iyo ka run sheega dhaartii ay xildhibaanada baarlamaanka ku mareen in dalka iyo diintuba difaaci doonaan kana difaaci doonaan racfiyada guidaha iyo cadowga shisheeyaha.

Yaa tartamey

Guud ahaan tartankii maanta ka dhacay gudaha baarlamaanka federaalka somaliya ayna ku tartameen xildhibaanadii afarta ahaa ee u taagnaa qabashada xilka gudoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee somaliya ayaa waxaan sal uga dhigi karnaa in uu ahaa tartan u dhexeeyey xaq iyo xaqdaro dul, iyo dulmi diid, wadani iyo shisheeye kalkaal, calooshii la cayaar iyo aqoon yahan, muumin iyo munaafaq, Intaan oo sifo ah iyo in ka badan ayaa guud ahaan kor joogtadii kulanka kusoo koobey dhacdadan taariikhda gashey ee maanta horey loogu sii dhaqaaqey dowladnimada umada somaliyeed.

Kolka laga reebo guusha ay gaareen wadaniyiinta somaliyeed ayaa sidoo kale waxaa guul daro aysan kasoo waaqsan doonin doorashadii maanta ka raacdey kooxaha gumeysi kalkaalka oo ayaga runtii isugula muuqdey iney wiiqin karaan awooda wadaniyiinta somaliyeed.

Yaa guuleystey

Sida aan kor kusoo sheegney guusha maanta uu gaarey baarlamaanka federaalka ah ee somliya waa guul usoo hooyatey inta damqashada damiirka somalinimada leh iyo guud ahaan inta samaha jecel ayadoo sidoo kalana dharbaaxo xoog badan ku eheyd isbaheysiga gumeyste kalkaalka ee hogaanka u hayey Shariif Xasan Sheekh Adan madaxweynaha maamul koonfur galbeed seddex gobol kaasi oo hantidii umada koonfur galbeed ku bixiyey inuu masiirka umada gacanta u geliyo shaqsi gumeysi kalkaalnimada magac iyo maamuus ku yeeshey una dhalan kuna dhalan gudaha jimhuuriyada federaalka ah ee somaliya si umadnimada somaliyeed ay u marin habaabiyaan waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay jahwareer siyaasadeed dalka u gelin lahaayeen.

Waxaa ala mahadii ah isku deyga kooxdaasi uu hogaamiyo shariif xasan in maanta ay fashiliyeen xildhibaanada federaalka ah ee somaliya oo dhaar ku marey iney u adeegi doonaan dalka iyo dalka wexeyna tani sharaf iyo maamuus iyo maqaam sare ka geli doontaa taariilhda wadaniyiinta somaliyeed oo marnaba aan looga adkaan dagaalka lagula jiro burburinta umadnimo ee dadka somaliyeed ee dega geeska.

Maxaa La Filan Karaa

Guud ahaan shacbiweynaha somaliyeed iyo dhamaan umadaha caalamka ee jecel xoriyada sinaanta iyo dadnimada waxaa ay aad u dhowrayaan una maciin bidayaan in baarlamaanka federaalka ah ee somaliya uu noqdo mid muujiya in uu diyaar u yahay ka saarista umada somaliyeed dhibaatooyinka ku habsadey sidaasi si la mid ahna iney noqdaan kuwii u istaaga soo celinta rajada umada iyo weliba ku dhaqanka shuruucda uuna si fara dhuudhuuban ugu howl galo dhameystirka dastuurka qabyo qoraalka kaasi oo u muuqda in uu xakameyn doono soona afmeeri doona golayaasha aan sharciga ku dhisneyn ee ay sameysteen kooxo daneystayaal ah oo uu kow ka yahay golaha loogu madasha Madasha Qaranka iyo isqabqabsiga inta badan hey’adaha dalka howlahooda dib u dhigey.