JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybtii 6-aad

0
300

Asad magaca uu ku joogay Germany ee uu isku dhiibay ayaa ahaa Hassan, Deynaba gaarigii ayeey soo raacdey waxeey soo aadeen dhankii Hospitalka eey balanta ku laheeyd, Hassan iyo Deynaba inteey u sii socdeen dhakhtarka wax sidaa u badan meeysan wada hadlin, waxey tageen dhakhtarkii, Deynaba waxaa u wacday kalkaalisadii waxeey gashay gudaha qolka baaritaanka ee dhakhtarku uu ku jiray,Hassan Hassan weligii mar qura ayuu guursaday.

Hassan guurkaasi wuxuu ahaa mid jaceel dhab ah uu ku guursaday gacalisadiisii uu ifka ugu jeclaa balse wuxuu noqday mid uu ku guul dareestay.

Hassan waxa uu ahaa wiil mugugo iyo xusuus xanuun badan ku noolaa noloshiisa inta badan waxey ku koobneed keli iyo isla sheekeeysi, inta badan ma jecleen dhexgalka bulshada wuxuu jeclaa keli ahaansho, midaas oo ey naftiisa u arkeeysay la sheekeeysi qayaali ah, wuxuu ku dhex jiray filim mar hore eey wada dhigeen isaga iyo xabiibtiisii hore balse ku dhamaaday isagoo nus ah la waayeyna laba gacal dhab ah wadaaga oo sii dhameestira.oo ah Asad wuxuu qabay dhaawac aad u culus oo ku saabsanaa dhanka jaceelka kaasoo kasoo gaaray.

Hassan wuxuu ahaa nimaan aad ugu degdegin la hadalka gabdhaha wuxuu ahaa shaqsi aad u xishood badan, degen miisaankiisuna aad u cuslaa xaga degenaanta iyo hadalkaba, inta uu fadhiyey banaanka ee uu sugayey Deynaba wuxuu mararka qaar naftiisa iyo maankiisa kula murmayey ineey yeeshaan awood eey Deynaba kula sheekeestaan si eey u ogaadaan in eey madax banaantahay iyo in kale, ogolaansho iyo diidmo labadaba weey is dhinac socdeen la hadal maya hala hadlin, mudo kadib waxaa soo baxday Deynaba wuxuu yiri makuu soo dhamaatay waxeey ku tiri maanta haa balse balan kale ayaa la i siiyey oo ah 2 usbuuc kadib, wuxuu yiri waa ok oo hada masii soconaa, Deynaba haa ayeey tiri waa eey soo baxeen in cabaar ah markeey socdeen ayuu Hassan yiri Deynaba abaayo meel halkan oo maqaayad ah ayaan ka quraacaneeynaa aniga saaka masoo quraacan waxaan filayaa adigana inaad sideeydoo kale tahay, Deynaba waxeey tiri aniga imaashaha dhakhtarka ka hor waa inaadan 10 saacadood wax soo cunin ayaa leeygu yiri marka waxba maanan soo cunin balse caasha ayaa quraac diyaarineeysay ee halkaas ayaan ka quraacaneeynaa ee naga dhaaf maqaayad Hassanow,

waxeey tiri Hassanow adiga Germany imisa ayaad joogtaa wuxuu ku yiri Hassan 3 sano iyo bilooyin, Deynaba waxeey tiri ok waxaan filayaa inaad xaas iyo caruur leedahay? Hassan wuxuu ku jawaabay maya malihi Xaas iyo Caruur midna, Deynaba maxaa dhacay aboowe maad kala tagteen mise weligaaba ma guursan? Hassan maya mar ayaan gabar mehersaday balse duruufo ayaa nakala fogeeyey oo isu kaaya diiday, Deynaba Waxaan filayaa inaad Gabar Saaxiib ah leedahay? Hassan maya ma lihi wax gabar oo aan saaxiib la ahay, Hassan ayaa Yiri adiga koleey waxaan filayaa inaad xaas tahay, Deynaba waxeey tiri maya anigu Carmalad baan ahay Xaajigeeyga laba sano ka hor ayuu Geeriyooday waxaan leeyahay 3 caruur ah dhaawicii geeridiisa iyo xanuunyo dhimashadiisa naxdintooda iga soo gaaray ayaan weli ka bogsoonin ayeey u raacisay, intaa markeey tiri misna ilin kasoo daadatay Deynaba,

Hassan wuxuu yiri ilaah naxariistii jano ha siiyo oo adoomada denbigooda la dhaafo oo ilaah cafiyo xisaab la`aanna janada la geliyo ilaah haku daro adigana ilaah samir iyo iimaan hakaa siiyo waxaan ilaah kaaga baryaayaa mid bedelkiisa ah oo kheer wata ilaah hakuugu bedelo, Deynaba waxeey tiri ma filaayo mid isagoo kale ah inuu ifka dulsaaranyahay balse uunka ilaah wuu badanyahay, hadalkii iyaga oo wata ayeey Aqalkii Bille yimaadeen, caasha oo inteeysan iyaga imaan quraacdii iyo shaahi diyaarisay misna miiskii cuntada saartay, Caasha ayaa tiri waxaan filayaa in Gaajo aad u daran idiin heeyso Deynaba ayaa tiri haba sheegin Caasha wixii goryaamo ahaa dagaal ayeey caloosheeyda ku hayaan iyadana waaba eber miskiinkaana haduu quraacan lahaa anigaa u soo diiday oo ku iri maya gurigaan ku gaareeynaa,

Quraacdii ayaa la wada cunay, Hassan wuxuu yiri Gabdho aniga waxaan jeclaan lahaa inaad i fasaxdaan waayo Hassan ma uusan jecleen Guri aabihii Reerka ka maqanyahay inuu tago ama ku sheekeeyo isagoo markiisii horeba aanan aheeyn dadka hadalka badan, Hassan markuu tegey ayaa Caasha waxeey ku tiri Deynaba wiilkan Hassan ah ma arag qof isaga la mid ah intaan Qurbaha imid waxaan isnaqaanaa mudo laba sano ka badan waa wiil aad u af gaaban xishood badan jecleeyna xitaa inuu guriga yimaado isagoo Bille ka maqanyahay guriga,

Caasha inteey qososhay beey tiri hadana walaahi waa wiil sheekooyin iyo xikmadi ka buuxaan marka uu damco inuu sheekeeyo wuuna kaftamaa mararka qaar,

Deynaba ayaa hadalka Caasha qalbigeeda wax ku beerayey gelinaayeyna muran yar, Deynaba ayaa ku tiri Caasha wiilka Amaan ayaad kala duldhacdaye waa ku sidee iyadoo qosleeysa, Caasha: maya walaahi Deynaba waa Runteeyda igama ahan amaan ee wuxuu yahay ayuunbaan ku sifeeyey.
La soco qeybta 7-aad maalinta talaadada
Qore iithow