JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (qeybtii 3aad)

0
415

Asad waa uu ka ogolaaday inuu lakulmo wafdigii, Turjumaanki iyo asad waxeey yimaadeen goobti eey joogeen wafdigii oo aan sidaa uga fogeeyn, waxaa bilaabatay isbarasho cusub iyo in magacyada mar labaad la isu sheego, isbarashadii kadib waxaa Asad su`aal weeydiiyey Tom oo ahaa nin ka mid ah wafdiga wuxuuna ku yiri waxaan filayaa inaad kamid tahay dadka Degmadan degen?

Asad wuxuu yiri maya anigu halkan ma degeni ee waxaan degenahay meel u jirta 2 km dhinaca galbeedka ka xigta, Tom ayaa hadana yiri magaceed tuulada? Asad: tuulo ma ahan waa meel Duur ah oo keligeey ayaa degen, Tom: ok oo adiga iyo Familkaaga ayaa degen miyaa?

Asad: maya aniga iyo dhoowr neef oo geel ah, Angelina oo iyadana wafdiga ka mid aheeyd ayaa tiri Asad Familkaaga xageey degenyihiin? Asad: ma waxaad ka wadaa Xaas iyo Caruur? mise Waalidkeey iyo walaalaheeyga? Angelina: haa xaas iyo caruur” Asad: malihi xaas iyo caruur waxaan ahay keligeey, Angelina: ok waan gartay hadaba waalidkaa iyo walaalahaaga xageey ku noolyihiin?

Asad: waalidkeeyga iyo walaalaheeyga Cabaar ayuu aamusay waxaa doorsoomay wejigiisa indhihiisa waxaa soo buuxdhaafiyey ilimo si lama filaan ah ayaa waxaa sida daadkii uga soo qulqulay ilmo, waxaa mar qura wada naxay wafdigii gartay in murugo xanuun badan eey jirto, Angelina waxeey aad uga xumaatay Su`aasha eey weydiisay Asad ee ku beertay xusuus murugo, waxeey tiri sorry Asad waxaan filayaa inaan galay qalad Boog aad iloowday inaan damqiyey,

Asad: maya runtii wax denbi ah ma lihid adiga balse ma ahan boog bogsooneeyso mana ahan mid murugadeeda iyo xanuunkeeda baaba`ayo, intaa uu Asad hadlaayey waxa uu tir tiraayey ilmada, Scheidiger oo ahaa qofkii sadexaad ee wafdiga reer yurubta ahaa una dhashay wadanka Germany ayaa yiri isagoo la hadlaayey ninkii Soomaaliga ahaa ee kamidka ahaa wafdigii ka socday Hey`ada.

Runtii waxaan aad u daneeynayaa ninkan arimihiisa waayo waa nin eey isugu kaashadeen dhacdooyin xanuun iyo murugooyin xambaarsan mana rabo inaan anigoo wax badan ka ogaanin inaan ka tagno halkan, Scheidiger ayaa ka codsaday Asad hadii uu raali ka yahay ineey Booqdaan halka uu Asad degenyahay, Asad wuxuu yiri waxba kama qabo inaad soo booqataan halka aan nolosheeyda u door biday in aan ku qaato balse ma ahan meel Gaadiid uu geli karo waa meel Hoowd ah oo Lug keliya ayaa lagu tagaa.

Wafdigii dhamaantooda waxa eey aad u jecleesteen ineey Booqdaan halka uu degenyahay, waxaa lasoo aaday halkii uu degenaa Asad inta lasoo Socday waxey wafdiga la yaabanaayeen dhulkaa quruxda badan iyo geedaha faraha badnaa ee ku yaalay meesha balse xiliga oo ahaa Xili jiilaaleed geedaha intooda badan wey qalaleen, socod dheer kadib waxaa lasoo gaarey Hooygii uu Asad ku noolaa, Asad wuxuu wafdigii u soo saaray (LAMA KEBED EE CUSEEB HAAYEENG WAL HANUUNG SUURUD LEHNA AHAAYEENG WAA JOODARIGII REER BAADIYAAGA)

Asad ayaa wuxuu yiri markey waxooga fadhiyeen waxaan jeclaan lahaa inaad iga ogolaataan inaan waxooga Caano geel ah idiin soo liso, Angelina ayaa tiri aad ayaan u jeclahay Caanaha Geela waxaan bilaabay Cabidooda mudo 4 bilood hada laga joogo, weey ka ogolaadeen, waxaa lasoo aaday halka geelu daaqaayey oo aan guriga sidaas uga fogeeyn, waxaa maalintaas Geela la joogay wiil uu dhalay nin eey Asad saaxiibo ahaayeen oo Degen magaalada Manaas.

Asad wuxuu u soo lisay Laba Halaad, Caanihii oo aad u xunbeeynaaya ayeey cabeen wafdigii 5 tooda iyagoo isu dhiidhiibayey AMEELKA caanaha waxey aad u jecleesteen Carafta Ameelka oo si feyle ( LIING ULI HADANA LIING ITHAATHI) ka dib waxaa lagu soo noqday fadhigii loo dhigay, hadaba waxaa sheekada bilaabay SCHEIDIGER wuxuuna yiri Asad anigu waxaan ahay nin uruuriya dhacdooyinka qorana markaa midii aan aad u daneeynaayo marka waxaan jeclaan lahaa inaan wax badan ka ogaado oo taariikh nololeedkaaga iyo dhacdooyinkii kugu dhacay kamid ah waayo wejigaaga waxaan ka akhrisanayaa waxyaabo badan in eey kugu aasanyihiin.

Asad wuxuu yiri haa waa runtaa waxaa laabteeyda ka buuxa farxad aad u fara badan iyo murugo kasii badan inta farxada ah, marka waxaan diyaar u ahay inaan kaaga jawaabo Su`aal waliba oo aad i weeydiiso hadii eey tahay mid aan jawaab u helaayo. SCHEIDIGER ayaa su`aalihiisa ku bilaabay sidan.

Lasoco qeybta 4-aad maalinta talaadada ah insha allah

Qore: iithow.