Aqriso:Odayaasha Magac u Yaalka Ah Ee Shariifka Ku Adeegto oo Ka Horyimid Go’aankii Gudiga Doorashooyinka Federaal

0
72

Qoraal lagu tilmaamey inuu yahay warsaxaafadeed kana soo baxay odayaasha dhaqanka beelaha digil iyo mirifle ayaa lagu sheegey in odayaasha dhaqanku ay ku diideen go’aankii kasoo baxay gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee lagu laaley shan ka mid ah 69kii xubnood ee lagu doortey magalada baydhabo.

Diidmadan la sheegey in odayaasha dhaqanka ee digil iyo mirifle ay diideen go’aanka ayaa waxaa uu salka ku hayaa diidmo ka timid dhanka maamulka shariif taasi oo uu odayaashana uu amar ku siiyey iney warsaxaafadeedkan soo saaraan,

Doorashada ka dhacey magalada baydhabo oo aheyd doorashadii ugu musuqmaasuqa badneyd ee ka dhacda maamul goboleedyada dalka ayaa gudiga xalinta qilaafaadka koonfur galbeed waxaa uu horey u diiwaan geliyey 17 dacwadood oo intuba marey wadada sharciga ah ee dacwadaha ku qotoma qaladaadka ka dhacay gudaha doorashada taasi oo ugu dambeyna gudiga xalinta qilaafaadkana ay u gudbiyeen gudiga doorashoooyinka heer federaal ugu dambeyna gudiga heer federaal kadib kolkey arkeen musuqa iyo isdaba marinta ka dhacdey baydhabo ay go’aansadeen in 5 kurisi oo ka mid ah 17 dacwadood dib loogu laabto.

Talaabadan maamulka shariif uu  u adeegsadey odayaasha dhaqanka iney ka hor yimaadaan go,aanka gudiga doorashooyinka federaalka ayaa waxaa ay fashil ku tahay maamulka shariif iyo gudoomiyaha gudiga doorasha koonfur galbeed Maxamed cabdullahi Mursal kuwaasi oo horey ugu dhiiradey in guud ahaan doorashadii ka dhacdey baydhabo aaney wax dacwad ah ka oolin agtooda.