Isbaarooleey Isbaaro u Tiiley Ex Kontrool ee Degmada Afgooye oo Maanta Qarax Miino Ah Lala Beegsadey

0
82

Qarax miino ah ayaa maanta lala beegsadey ciidamo ku labisan dereyska dowlada oo isbaaro u tiiley Ex-kootarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Ilaa iyo hada inta la ogyahay qaraxan waxaa ku dhintey 6 askari halka ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada inta ku dhaawacantey.

Qaraxan ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ayaa imanaya xili isla subaxnimadii hore ee saakay weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray maqaayada the Village oo ku dhaw guriga hooyooyinka ee degmada Xamar-weyne.

Qaraxyada ka dhacay magalada muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa maalmahan dambe waxaa ay gaareen halkii ugu sareysey ayadoo dalkana ay ka socdaan doorashooyin.