Gudiga Doorashooyinka oo Sheegey In KUlanka Ugu Horeeya ee Baarlamaanka Cusub uu Dhici Doono Horaanta Bisha Dicember

0
26

gudigaGuddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka Cusub ee Federaalka Somalia uu yeelan doono Horraanta bisha December ee soo socota.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Avv Cumar Maxamed C/lle [Dhagey], ayaa shir jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay ku sheegay in Haatan ay hayaan 178-xildhibaan oo lasoo doortay ayna ka dhiman tahay kooramka uu kal-fadhiga u horeeya ku qabsoomi karo oo ah 184-mudane lix xildhibaan oo keliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Doorashada Dadban ayaa hadalkiisa ku daray in 30-ka bishan November ay billaabayaan bixinta Shahaadooyinka Aqoonsiga xildhibaanimo, markaas kaddibna ay kulammada baarlamaanku Federaalka ee cusubi billaaban doonaan.

Waxaa kaloo, Guddoomiyaha Hir-gelinta Doorashada Dadban uu ka Hadlay Doorashada Xildhibaanada xubnaha Gobollada Waqooyi iyo Banaadir oo Muqdisho lagu qaban doono, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku billaaban doonto doorashadaas, uuna rajeynayo in xilli kooban lagu soo gunaanado.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Avv. Cumar Dhagey ayaa wuxuu shirka jaraa’id ku sheegay in doorashada Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inay 30-ka bisha November dhacdo aysan dhici doonin.