Alshabab oo Xaley Lagu Weerarey Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeleelaha Hoose

0
34

droneWararka naga soo gaaraya Degaanka Tooro-tooroow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay weerar ku qaadeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo sidoo kale Ajaanib halkaasi oo ay gacanta ku heyso ciidamo ka tirsan alshabab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan oo xalay weerar kusoo qaaday.

Ilaa iyo Hada si cad looma oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degaanka Tooro-tooroow.

Ciidamo ajaanib ah ayaa horay dhowr jeer weeraro kala duwan ugu qaaday degaanka Tooro-tooroow oo ay joogaan Al-Shabaab.