Dowlada Shiinaha oo Lacag Gaareysa 1.2 Milyan Ugu Deeqey Ciidamada Midowga Africa ee Ku Sugan Somaliya

0
48

amisonDowladda Shiinaha ayaa sheegtey in ay lacag gaareysa 1.2 milion ugu deeqday ciidanka Midowga Afrika ee ka howgala gudaha Soomaaliya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano AMISOM lacagtaas oo loogu tala galey qalabeynta iyo tababarada ciidama amisom.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay muhiinm tahay in la taageero ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee howgalka ka wadda Soomaaliya.

Dowladda China ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageerayso dadaalada Nabada loogu raadinaayo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa la kulmaya weeraro ka imaanaya Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.