Diyaarad Sidey Koox Ka Tirsan Kooxaha Dalka Braziil oo Ku Burburtey Keymaha Dalka Colombiya

0
62

diyaradWarar ka imanaya dalka brazil ayaa sheegaya in diyaarad siday 81 ruux oo ay ku jiraan koox ka dhisan dalka Brazil ku bur burtay magaalada Medellin ee dalka Colombia, halkaasi oo ay ku wajahnaayeen.

Saraakiisha booliiska dalka Colombia ayaa sheegay in shan ruux ay ka badbaadeen shilkaasi diyaaradeed, halka 76 kalana ay dhinteen.

Diyaarada oo ka duushay dalka Brazil ayaa waxaa la socday kooxda kubbada cagta ee Chapecoense oo ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee dalka Brazil.

Kooxda ayaa u socotay ka qeyb galka ciyaar kama dambeys aheyd oo ka tirsan Copa Sudamericana, iyaga oo la cayaari lahaa koox ka dhisan magaaladda Medellin ee Atletico Nacional.

Roobab xoogan oo magaalada ka da’ayay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen shilka diyaarada, wallow aan ilaa iyo hadda la cadeyn waxa shilka dhaliyay.