Maamul Goboleedka Puntland oo Joojiyey Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee Ka Socdey Puntland

0
127

puntlandQoraal goor dhow kasoo baxay madaxtoyada maamul goboleedka Puntland ayaa amar lagu bixiyey in gebi ahaanba la joojiyo illaa amar dambe doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda Puntland.

Qoraalkan waxaa ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Injineer Cameey, waxaana lagu amray guddiga doorashada heer Puntland iney hakiyaan doorashada.

Waxay Puntland diidan tahay sida la sheegay hanaanka doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland iyo qaabka wax loo siiyey maamulkaasi, sidaa darteedna gadood ahaan ayeey doorashadii u joojiyeen.

Puntland ayaa sheegtay in ilaa wax laga qabto cabashadooda aaney dhici doonin doorashada aqalka hoose ee dhankooda, waxayna doonayaa in Somaliland xubnaheeda faro gelin lagu sameeyo.