Beesha Caalamka oo Cambaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi

0
116

besha-calamkaUrurka Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari, ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen tobanaan Ruux oo Shacab u badnaa.

Afhayeenka Xafiiska Siyaasada arimaha Dibadda ee Ururka Midowga Yurub, ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay weerarkaasi oo ay ku dhinteen Shacab badan oo ku sugnaa Suuqa la qarxiyay.

Waxaa ay soo jeediyeen Ururka in la kordhiyo howlaha lagu sugayo amaanka, si looga hortaga weerarada nuucan ee khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro Shacabka.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale si kulul u cambaareysay Qaraxaasi ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in wax laga argagaxo ay tahay in uu dhaco Qarax ay ku waxyeeloobeen Caruur iyo Haween oo aan waxba galabsan.