Kulan Looga Hadlayey Qaabka Ay U Socdaan Doorashooyinka OO Maanta Lagu Qabtey Magalada Muqdisho

0
31

dorashoGudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay dar dar gelinta Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Kulankaasi waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhegey, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.

Keating oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay dedejinta doorashooyinka, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in la soo dhameystiro doorashooyinka Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Avv. Cumar Dhegey ayaa ka warbixiyay xaaladda doorashada iyo heerka ay iminka marayaan, isagoo tilmaamay in doorashooyinku ay imminka marayaan heer gabagabo ah.