Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaadey Saldhiga Laanta Buuro ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
198

Ugu yaraan 15-qof oo intooda badan ay yihiin ciidmo ku labisan dareyska dowlada isla markaana u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ciidankaas iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray xalay saldhigga Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose oo 50-km u jirta Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo ay Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku qaaday Saldhigga Laanta oo ay ku sugnaayeen Ciidammo u abaabulan qaab beeleed isla markaana ku labisan dareyska dowlada, halkaasna uu ka qarxay dagaal culus.

Xoogaga Al-shabaab ayaa weerarkan u adeegsatay gaadiid Qaraxyo laga soo buuxiyay, iyagoo markaas kaddibna gudaha u galay saldhigga, halkaasoo ay ka qaateen gaadiid dagaal, hub kala duwan iyo rasaas.

Al-shabaab ayaa sheegay in werarkaas ay ku dileen in ka badan 30-askari oo ka tirsan ciidamadii hallkaasi ku sugnaa isla markaana ay xeradaas ka qaateen gadiid dagaal oo toddoba ah iyo hub kala duwan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weerarradan oo kale ku qaaddo saldhigga Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sannadkii hore weerar noocan oo kale ah ku qaaday Askar badanna ku dilay.