Hay’ada Cunada Adduunka oo Ka Hadashey Rashinkii Dhacay ee Shaley Lagu Qabtey Garoonka Muqdisho

0
133

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa ka hadashay raashin dhacay oo shalay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasoo la sheegay in loo waday Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Madaxa Xiriirka Hay’adda WFP ee Somalia, Laylo Cali oo la Hadashay Warbaahinta DFS, ayaa xustay in Hay’adoodu ay Raashin dhacay ku hayso Muqdisho, Laakiin ay hubinayaan in raashinkan loo kaydiyay si aan wanaagsanayn, taasoo laga yaabo inay ku keentay waxyeello.

Hadalkan Sarkaaladan WFP u hadashay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu qabtay Shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Raashin muddo laba sano laga joogo dhacay, kaasoo loo waday Gobolka Gedo.

Saraakiisha Amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay sarkaal ka tirsan Hay’adda WFP gacanta ku dhigeen, kaasoo ay raashinka dhacay ee la qabtay ay su’aalo ka weydiinayaan.