Daawo Sawiro Naxdin Leh Caruur Nafaqo Daro Heysa oo La Keeney Cisbitaalka Magalada Baydhabo

0
270

Caruur la ildaran nafaqo darri oo ay tiradoodu kor u dhaaftey 120 ayaa 24-Kii Saac ee lasoo dhaafay lasoo gaarsiiyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay, kuwaas oo laga kala keenay gobalada Bay, Bakool iyo Gedo.

Cisbitaalka Magaalada Baydhaba ayaa la dhigay illaa 118 Carruur ah oo la ildaran Xaalad Nafaqo darro oo aad u liidata.

Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Baydhaba Dr Cabdifataax Ibraahim Xaashi,oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Nambarka caruurta nafaqadarada la ildaran ay tahay tii ugu badneyd ee abid uu qaabilo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo.

Dr Cabdi Fataax ayaa sheegay in Xaaladdani ay ka dhalatay Abaar iyo Roob la’aan isbiirsaday oo ka taagan goballada laga kala keenay caruurta nafaqo darrada la ildaran ee Cisbitaalka la jiifiyay.

Maamulaha Cisbitaalka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay, in Cisbitaalku aanu awoodin tirade bukaanka Cisbitaalku qaabilay isagoo Xusay in 60 Sariir Cisbitaalka loogu talagalay maantana ay jiifaan 118 Caruur ah walina ay cabsi weyn ka qabaan in tiro hor leh lasoo gaarsiiyo.

Maamulka shariif xasan ayaa weli ka hadlin dhibaatadan baaxada weyn ee lasoo deristey caruurtan taasoo marka aad aragto sawiradan kusoo xasuusinaya 1992 dhibaatooyinkii ka dhacay gobolada uu ka arimoyo maamulka shariif xasan.

bay bay1 bay2