Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Ku Biirey Xisbiga Kulmiye

0
182

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – oo ah Aqoon-yahan si Weyn looga yaqaanno Soomaaliya iyo Qaybo ka mid ah Caalamka, ayaa shalay ku biiray xisbiga KULMIYE ee talada Somaliland haya, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu sheegay dhawaan inuu ka fiirsanayo xisbigii uu ku biiri lahaa.

Kulanka, looga dhawaaqay in Prof. Samatar uu ku biiray Xisbul-Xaakimka Kulmiye, ayaa Waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Prof. Samatar uu kusoo biiro xisbigooda, isagoo xusay in Xisbigu hantiyay halyey la hubo inuu wax badan kusoo kordhin doono.

Sidoo kale, Muuse Biixi oo Sharraxayay heshiiska Dhexmaray Kulmiye iyo Samatar, ayaa xusay inay ku heshiiyeeen oo keliya – in inta ka harsan Cimrigiisa uu ka Shaqeeyo Danaha xisbiga Kulmiye iyo tan Somaliland, taasna waanu ka ogolaannay.

Dhinaca kale, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlay Goobta, ayaa ku dheeraaday ka Hadlidda sida uu u Doortay inuu ku biiro Xisbiga Kulmiye, Wuxuuna sidoo kale sharraxay dareenkiisa ku aaddan sida loogu soo dhaweeyay inuu ku biiro xisbiga KULMIYE, Wuxuu kusoo kordhin karo iyo wuxuu ka aamisan yahay sidii lagu horumarin lahaa Somaliland.

Ugu dambeyntiina, Waxaa xafladdaas ka hadlay Xubno kala duwan oo uu ka mid ahaa; Ku xigeenka Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil [Saylici], oo si aad ah u soo dhaweeyay kusoo biirista Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ee xisbiga Kulmiye, isagoo rajo ka muujiyay in Xisbigu uu noqon doono xisbiga ugu weyn Axsaabta Somaliland.